Thursday, June 4, 2026
27.8 C
Mogadishu

Kulan Su’aalo lagu waydiinayay guddiga doorashooyinka oo maanta ka dhacay Jowhar +(SAWIRRO)

Jowhar (Halqaran.com) –  Waxaa magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle maanta lagu qabtay kulan su’aalo lagu weydiinayay Masuuliyiinta Guddiga Doorashada Qaranka, oo maalintii labaad ku sugan magaaladaasi.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Labada Gole ee Hirshabelle su’aalo ku weydiinayeen xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waxaana ka qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Xubnaha Gudigga Doorashooyinka Qaranka oo Axadii gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxaa horkaceysay, Marwo Khadiija Cosoble Cali, waxayna kulanka kaga jawaabtay su’aalihii lagu weydiiyay.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle oo kulanka ka hadlay ayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka u sheegay in HIrshabelle, ay diyaar u tahay qabsoomida doorasho qof iyo cod ah.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ku kala qaybsamay aragtida sheegaysa in Somaliya ay 2020/2021 ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, inkastoo taasi ay dadka badankii u arkaan mid aanay xilligan suurtagal ahayn, sababo la xiriira amniga oo aan cago badan ku taagnayn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...