Thursday, June 4, 2026
28.3 C
Mogadishu

Maxaa ka ogtahay diyaarad siday saraakiil iyo Ciidanba ay ka degtay magaalada Dhuusamareeb?

Muqdisho (Halqaran.com) – Diyaarad siday Saraakiil iyo ciidanba ayaa waxay ka degatay Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii ay ka soo kicitantay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha diyaaradda la socday oo boolis ah ayaa waxaa ku jira Taliye-yaasha cusub ee Booliska Galmudug, ee bilowgii toddobadkan uu soo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Taliyeyaashan waxaa ku jira Taliyaha Booliska Galmudug, Gaashaanle sare Cabdikariin Xuseen Macalin, Kuxigeenkiisa G/sare Maxamed Nuur Cali, Taliye-yaasha Gobolada Mudug & Galgaduud iyo Taliye-yaasha Booliska ee Degmooyinka Matabaan, Guriceel, Dhuusamareeb, Caabudwaaq iyo Balamballe.

Taliyeyaasha gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliya, S/guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif)

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Taliyeyaasha cusub iyo Saraakiisha la socotaba ku soo dhaweeyay Garoonka Ugaas Nuur.

Sidoo kale xubnaha soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa la socda tiro ka mid ah booliska sida gaarka ahi u tababaran ee “Haramcadka” loo yaqaano.

Is bedelka saf mareenka ahi ee lagu sameeyay Taliyeyaasha Booliska Galmudug ayaa waxay daba socotaa doorashadii halka dhinac ahayd ee 2dii bishan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, laguna soo doortay Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...