Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Nin gaari dad ku jiirsiiyay bartamaha dalka Jarmalka & khasaare ka dhashay +(SAWIRRO)

Volkmarsen (Halqaran.com) –  Nin gaari watay ayaa galabta beegsaday dad isugu soo baxay munaasabad ka socotay Magaalada Volkmarsen ee dalka Jarmalka.

In ka badan 10 ruux oo ka mid ahaa dadkii halkaasi isugu soo baxay ayaa ku dhaawacmay falkaasi, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska Jarmalka.

Gaadiidka gurmadka deg-dega oo ku baxay goobta uu falku ka dhacay ayay shaqaalaha caafimaadka ugu gurmadeen dhibane-yaasha, oo ay u qaadeen goobaha caafimaadka.

Sarkaal Booliska magaalada Volkmarsen u hadlay ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay qofkii falkaasi ka dambeeyay, iminkana uu ku jiro gacanta hay’adaha ammaanka.

Ilaa iyo hadda ma cadda ujeedada rasmiga ah ee weerarkan, mana jirto wax tafaasiil ah oo boolisku ay ka bixiyan, marka laga soo taggo in gacanta lagu hayo.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ka dhaca magaaladan yar oo ku taala Gobolka Hesse ee bartamaha dalka Jarmalka.

Kala soco wixii faah-faahin ah ee ku soo kordha Halqaran.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...