Sunday, April 26, 2026
27.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland: ”Faragelinta lagu hayo maamulka Galmudug halaga daayo”

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Dowladda Federaalka ugu yeeray inay joojiso fara-gelin uu sheegay inay ku hayso dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.

Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in reer Galmudug ay dhammeysan karaan arrimahooda gaarka ah, iyadoona uu ku baaqay in laga daayo fara-gelinta lagu hayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka war wareegay su’aal ahayd inay iska warqabaan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka.

“Sida aanaan anaguba u jeclayn in aan faraha lala-gelin arrimaheena hoose ayay Puntland iyaduna u ixtiraamaysaa maamul walba arrimhiisa gudaha ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Waana shay dabiici ah inay aragti kala duwanaan iyo khilaafaad dhacaan xilliga doorashada, laakiin waxaan ku ixtiraamaynaa dadka reer Galmudug inay arrimahooda dhameystaan.”

Madaxweyne Deni ayaa yiri “Dadka reer Galmudug waa dad soo jireen ah, waxay qayb ka qaateen xorriyaddii dalka, waxay aasaas u yihiin midnimada Soomaaliyeed, waa dad Somaliya xudun u ah, intaas iyo ka badan ayay ku filan yihiin, marka waxaan rajeynayaa in hawlaha Galmudug loo daayo dadka reer Galmudug.”

Dadka la dhacsan Siyaasadda Villa Somalia ayaa maalmihii ugu dambeysay barraha bulshada asxaabtooda kula wadaagayay warar ku aadan in diidmada Madaxweyne Xaaf ay timid, ka dib markii uu u soo meeriyay Madaxweyne Deni.

Tallaabada uu Xaaf horaantii bishan kaga soo horjeestay dhabaha loo marayo dhismaha Galmudug ayaa xoojisay khilaafka raggaadiyay doorashada Galmudug.

Doorashada lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa hareeyay khilaaf marba weji lahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...