Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Booliska Somaliland oo Hargeysa soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya

Hargeysa (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Magaalada Hargeysa ayaa soo bandhigay Khamri, Xashiish, toorayo iyo agab kale oo ay adeegsadaan dhallinyarada kooxaha u abaabulan ee dhaca iyo furashada ka gaysta gudaha magaalada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Hargeysa ayaa sheegay in hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Hargeysa ay ku soo qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo dhibaato dhac iyo furasho u gaysta dadka shacab ah, kuwaasi oo inta badan adeegsada maandooriyaal halis ah sida khamriga iyo Xashiishka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Maandoriyaashan dhalinyaro keliya lagu soo qaban, balse waxa jira dad kale ka ganacsada khamriga iyo xashiishka iyo qaar isticmaala oo si dhuumasho ah gudaha magaalada ku soo geliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...