Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

Madaxtooyada Somaliya oo sheegtay in qaar ka mid ah Madaxda Caalamka ay Tacsi u soo direen M/weyne Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka waxaa kula soo xiriiray Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan.

Madaxweyne Ordogan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Ex-Kaantarool, waxa uuna tilmaamay in Turkigu shacab iyo dowladba ay la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhigiisa Turkiga, xukuumadda iyo shacabka dalkaas garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn shacabka iyo dowladda Soomaaliya hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne waxa uu uga tacsiyeeyay Madaxweyne Ordogan iyo shacabka dalkiisa labadii halyeey ee u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday qaraxaas, kuwaas oo ,Alle ha u naxariistee, ku hawlanaa ka qeyb qaadashada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaale ee dalkeenna.

Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyneha Jamhuuriyadda, isagoo uga tacsiyeeyay muwaadiniinta birmageydada ahaa ee argagixisadu ay ku xasuuqeen isgooyska Ex-Kaantarool.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Abiye ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dabar gooynayo argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...