Monday, May 4, 2026
28.7 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta la kulmay Wafdigii ka socda Somaliland ee yimid Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka yimid Somaliland ee u yimid taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada.

Wafdiga oo shalay Muqdisho yimid ayaa waxaa ay keeneen lacag dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen, taas oo laga soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda degaanada Somaliland.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka mahadceliyeen sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay inay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga dadka ay saameeyeen fatahadaha Wabiya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahadceliyey gurmadka ay soo gaarsiiyeen Walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahadaha kuna amaanay doorka ay qaateen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...