Monday, May 4, 2026
28.7 C
Mogadishu

Qarax ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay Qarax miino.

Qaraxaas ayaa la sheegay in lagu aasay goob qashinka lagu shubo oo ku dhegan Maqaayad shaah laga cabo oo ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka sare ee Ahlusunna ee Waljameeca.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan Qaraxa lagu aasay meesha Qashinka.

Ilaa iyo hadda lama sheegin khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socota qaban qaabada la xiriirta doorashada maamulka Galmudug, waxaana si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...