Sunday, May 3, 2026
28.7 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Baarlamaanka Somaliya +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa kala hadlay dhameystirka xeerarka iyo sharciyada ku saleysan horumarinta haweenka iyo dhallaanka ee horyaalla Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixinayaan xaqiijinta matelaadda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed, iyagoo kaalin muhiim ah ka qaadanaya qorsheyaasha qaran ee dib u eegista Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan ku dhiirri-gelino haweenka Soomaaliyeed door kasta oo ay leeyihiin. Waxaana idiinka mahadcelinayaa shaqada adag ee aad Qaranka u haysaan oo ay ugu horreyso geedi socodka siyaasadeed iyo dib u eegista dastuurka. Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud u yihiin dib u soo kabashada dalkeenna”.

Dhankooda, Xildhibaannada ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan Shirweynihii 3-aad ee Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, iyagoona ka xog wareystay qorsheyaasha dowladda ee awoodsiinta Haweenka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in la xoojin doono kaalinta hoggaamineed ee haweenka, waxa uuna ku ammaanay xildhibannada Labada Aqal dadaalkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarka dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...