Sunday, May 31, 2026
26.1 C
Mogadishu

XOG: Maxaa loo xiray waddooyin Soo gala Magaaladda Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray waddooyinka soo gala Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ciidamadda ayaa xiray Wadada Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka koofureed ee magaaladda Muqdisho taasi oo muhiim u ah isu socodka Muqdisho iyo qaar kamid ah Goboladda dalka ,waxaana halkaas lagu gooyay dhagaxaan waa weyn.

Sida ay Halqaran.com u sheegeen dadka deegaanka ciidamadda ayaa xalay iyo subixii Axadda dhagaxaan ku xirayay waddada, waxaana saakay loo diiday in ay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha, waxayna gaadiidka ay ka leexanayaan Xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta ee ku dhow Ex Koontarool Afgooye.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta ka dambeysa in dhagaxaan lagu gooyo Wadada Ex Koontarool Afgooye,xili qorshahaan oo kale ay dowladda ka sameysay Magaaladda Muqdisho.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...