Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Yusuf Garaad oo si kulul uga hadlay qaabka ay NISA u martay eedeyntii Wariye Harun Macruf

Yuusuf Garaad Cumar /Sawir hore /Keydka

Mana sahashan karo eedeyn ku saabsan khatar ka dhan ah Amniga Qaranka.

Haddana ma jecleysan farriinta ay NISA soo jeedisay, Goobta ay ku soo bandhigtay iyo khaanadda ay dhigtay Heybadda Dowladnimada Soomaaliya.

Laba eedeymood oo ay NISA u jeedisay weriyaha ayaa ah falal ka baxsan anshaxa saxaafadda iyo xiriirro khatar ku ah Amniga Qaranka.

Anshax marin saxaafadeed Sirdoon shaqo kuma laha.

Haddiise ay hesho xogta fal dambiyeed ka dhan ah Amniga Qaranka, waa shaqada Hey’adda Sirdoonka.

Markaas tallaabada la gudbooni waa in ay wargeliso booliiska, baaritaan uu sameeyo, ka dibna ay Xeer ilaalintu kiis ku soo oogto cidda dembiga lagu tuhmay.

Maxkamad la wada aado. Caddeymaha eedeynta iyo Difaaca eedeysanaha dooddiisa uu isu miisaamo Garsoore. Sharcigu uu shaqeeyo.

Dal Dimuqraaddi ah, oo sharci iyo kala dambeyn leh, hey’addiisa sirdoonku weriyayaashana uguma hanjabto baraha bulshada.

Sirdoonkuna hey’adaha dalkiisa xog xasaasi ah uguma gudbiyo Saxaafadda bulshada.

Ma jecleysanayo in aan arrimaha Hey’addeenna Sirta Qaranka uga hadlo Saxaafadda Bulshada, laakiin iyada ayaa dooddaas keentay isla goobtaan.

Su’aasha Dowladda Federaalka u taallaa waxay tahay:

Haddii Hey’adda Sirdoonka ay Dowladdu ka adeejisay in ay u cagajugleyso weriye jooga Washington oo aad nooga fog, una shaqeeya Idaacad ay leedahay Dowladda Mareykanku, waa maxay damaanadda iyo xorriyadda ay sheegi karto in ay haystaan weriyayaasha dalka Gudihiisa jooga?

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...