Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Xukuumadda oo billowday fulinta amarkii RW Kheyre ee Doorashada xilligeeda lagu qabto +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay sidii loo fulin lahaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in xukuumaddu si buuxda uga shaqayso hirgalinta doorashada dalka oo xilligeeda lagu qabto.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa furay shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in ay guddigu diyaariyeen tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay guddiga si loo hirgeliyo doorasahada.

Kulanka ayaa looga dooday baahida degdegga ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta.

Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqa muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan.

Wasaarraddaha Amniga, maaliyadda iyo arrimaha gudaha ayaa iyana soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shirkii Golaha wasiirrada Khamiistii la soo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hortaalla xilligan ay tahay hiegelinta doorashada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...