Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faa-faahin dheeraad ah ka soo baxaya qarax xooggan oo jugtiisa aad looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa uu Arbacadii maanta ah ka dhacay guri ku yaalla Xadka ay wadaagaan degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda, halkaasi oo ay waxybaaha qarxa ku diyaarinayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya, in Raggi Qarax diyaarinayay ay dhamaantood ku dhinteen Qaraxa ay halkaasi ku ka sameeynayeen.
Maamulka Degmooyinka Dharkenley iyo kaxda oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay dhacdadaan, iyagoona xusay in ay halkaasi ku dhinteen xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee qaraxa diyaarinayay.
Waxay kaloo sheegeen in ay warbaahinta u usoo bandhig doonaan tiradda ku dhimatay qaraxa ay sameeyeen Kooxda Al-Shabaab
Si kastaba, sawirro laga soo qaaday Guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa muujiyey burbur xoogan oo soo garay dhismaha Guriga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





