Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

Xoolla dhaqato Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Weerar Gaadmo ah .

Itoobiya(Halqaran.com) –Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan toddoba qof oo Soomaali xoolo dhaqata ah lagu dilay deegaan lagu Magacaabo hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash ee mara deegaanka Canfarta halka dhawr kalena lagu dhaawacay.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka soo jeeda qowmiyadda Canfarta ay weerar ku qaadeen xoolo dhaqato Soomalai ah oo u arooray wabiga, halkaa oo sidoo kale la sheegay in lagu qaaday xoolo gaaraya ilaa afar kun oo neef.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo xilli isbuucyadii la soo dhaafay ay socdeen deldaallo lagu dhex-dhexaadinayo colaadda labadani qowmiyadood ee dirirtoodu soo jiitameysa in muddo ah.

Dad farabadan oo xoolo dhaqato ah kuna noolaa deegaanka Canfarta ayaa marar kala duwan waxaa lagu qaaday weeraro sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena ay dhaceen dagaal beeleedyo.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...