Saturday, May 16, 2026
27.7 C
Mogadishu

Madaxweyne Saciid Deni Oo Maanta Kulamo La Yeeshay Saraakiisha Ciidamada ee Maamulkiisa.

Garoowe(Halqaran.com) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta, waxaana kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xirrira amniga guud ee deegaannada  maamul goboleedka Puntland.

Ugu horreyn Saciid Cabdullaahi Deni ayaa warbixin ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka oo ka qeybgalay, iyaga oo la wadaagay howlgalada amni iyo qorsheyaasha ay ku horumarinayaan.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa “Ciidanka ku boggaadiyay sida geesinimada leh ee ay marwalbo heegan ugu yihiin difaaca Puntland, oo ay uga difaacayaan argagixisada iyo cidkasta oo amni daro ka shaqeynaysa, wuxuuna faray in ay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda.” Ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada.

Sido kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kale isla Maanta la  qaatay saraakiisha ciidanka Asluubta ee Maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Saraakiisha warbixin ku saabsan shaqada socota, gaar ahaan xaaladda Xabsiyada, iyo maxaabiista, wuxuuna faray in ay sii dardargeliyaan shaqada ay bulshada u hayaan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...