Maxay Tahay QM Bayaan ay kasoo saartay Abaarta ka jirta Dalka”AKHRISO”

Abaaraha ka jira qeybo ka mid ah gobollada dalka oo ay xoolihii u le'deen.

Muqdisho(Halqaran.com) –Warbixin uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Qaramada midoobay u qaabilsan  Soomaaliya Adam Abdelmoula ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo sidii gurmad  loo garsiin lahaa dadka ay saameeysay abaarta kajira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Adam Abdelmoula oo kamid ahaa Mas’uuliyiin booqday xerooyin  barakac oo kuyaalla Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka dhalatay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in dadkaas loo gurmado.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya si degdeg ah ayay uga sii xumaanaysaa. Durba 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la il daran nafaqo-xumo, waxaana fileynaa in 356,000 oo carruurtan ka mid ah aysan sii noolaan ilaa dhammaadka bisha Sebtembar ee sanadkan,” ayuu Abdelmoula ku yiri bayaan uu soo saaray.
 Sido kale Adam Abdelmoula ayaa ka digay in nafaqo-xumada ba’an ay sii kordheyso haddii aan qorshaha wax-ka-qabashada abaaraha si weyn kor loogu qaadin, maadaama dad badan ay saameysay abaarta kajirta dalka Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in Meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo  Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan kajira abaar aad u adarn oo Saameysay Dad iyo duunyo, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeysay abaarta wallow ay jiraan Hadalo farabadan oo ka soo yeeraayo Masuuliyiinta Dowlada iyo Hay’adaha QM.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com