Muqdisho(Halqaran.com) –Kusimaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.
Kulanka oo diirada lagu saaray xaaladda Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xoriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah, kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha Amniga qeybahooda kala dawan, iyadoo kusimaha madaxweynaha dalka uu faray laamaha Amaanka in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.
Sido kale laamaha Amniga iyo Saraakiisha ciidamada Dalka ayaa shegay in ay bixin doonan Dadaalo dheeri ah iyo in ay ka shaqeeyn doonan sidii ay si nabad ah ugu qabsoomi hayeed maalmaha xuriyada.
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ka dhacaan munaasabaddo waaweyn oo loogu dabaa-degayo xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com