Cape Town(Halqaran.com) – Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ay gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdi Sheekh Maxamed xilli uu nolol maalmeedkooda raadinayay qoyskiisa.
Muwaadinka Soomaaliyeed o lagu Magacaabi jiray Cabdi Sheekh Maxamed ayaa kooxaha Burcadda ah ee toogteen, isaga oo Gaari rooto ku iibinayo, xilli uu ku sugnaa Xaafadda Wesbank oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.
Dableyda weerarka ku dishay Muwaadinka Soomaaliyeed, ayaa la sheegay inaysan wax dhac ah u gaysanin oo ay durbadiiba goobta ka baxsadeen, ka hor inta uusan Boolisku imaan.
Ciidamo katirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen Kooxihii dilka geytay wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.
Dalka Koonfur Afrika ayaa ah Dal dilal loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2022 Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin Soomaaliyed oo Dhawr ah.