Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

Wasiirka Waxabarshada XFS oo soo gaba-gabeeyay Imtixaanka Shahaadiga ahaa ee Sanadkaan.

Muqdisho (Halqaran.com) –Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dalka ayaa maanta soo gaba-gabeysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 12-aad oo si Siman loogu qaaday xarumaha waxbarashada ee maamulada dalka, kaasi oo ahaa mid mideysan oo dhamaan Dugsiyada Sare laga qaaday.

Waxaa xusid muadan Imtixaanka oo  ahaa sanadkii 8-aad oo xariir ah ayaa lagu kala galay magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, iyada oo Wasaaraddu ku guuleystay in sanad dugsiyeedkaan 2021-2022 ay si nabad ah ugu soo gaba-gaboobeyso.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa sheegay in imtixaanku uu ku soo dhamaaday Jawi degan, islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed muujiyeen dadaalkooda ku aaddaan waxbarashada, waxa uuna ardayda u rajeeyay natiijo wanaagsan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abukar oo soo xiray Imtixaanka ayaa yiri “ waxaa aan ku guuleysanay in sanadkaan uu Ixtiraanku  si nabad ah inoogu soo gabagaboobo, waxaana uu ahaa mid ka duwanaa kuwii hore, waalidiinta dhalay ardada, waasadaha maamulada, ciidamada booliska iyo barayaashii ka qeyb qaatayne waa u mahadcelineynaa”.

Sido kale Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka in buuqii ay sameeyeen Arday galeysay Imtixaanka shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare uu xaliyey Booliska dowladda, uuna uga mahadceliyay tallaabadaas iyo sida ay u sugeen amniga goobaha Imtixaanaadka lagu galayey.

Ardayda u fadhiistay sanadkaan Imtixaanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare sheegtay in ay gaarayeen 35,000 (Sodon iyo shan kun) oo Arday in ay gaarayeen, waxaana Wasaaraddu ay u rajeysay guul iyo natiija fiican oo ay ku baasaan.

Wasaaradda Waxbarashada XFS, ayaa ugu danbeeyntii waxa ay sheegtay in ka Go,an in ardayda Soomaaliyeed ay helaan Waxbarasho dhameystiran.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...