Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Odayaal iyo ganacsato ku jufo ah Madaxweyne Farmaajo oo lagu xiray Gedo (Ogow Ujeedka)

Gedo (Halqaran.com) – Odayaal ku heyb ah Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay lagu xiray Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay ganacsato kale oo iyaguna la sheegay in ay ku heyb yihiin Madaxweyne Farmaajo.

Tani ayaa waxaa la sheegay inay jawaab u tahay xariga Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo tan iyo 31-kii bishii August ku xiran Magaalada Muqdisho.

Inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Amniga Jubbaland ay isu beel yihiin ayaa hadana xubnaha lagu xir xiray Degmada Beled Xaawo waxaa loo beegsaday jufo hoosaad.

Saraakiil ay jilib wadaag yihiin Wasiir Janan ayaa dhabarka ka riixaya tallaabada lagu beegsanayo xubnaha ay jufo hoosaadka yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu dambeyn, maamulka Jubbaland ayaa horey ugu goodiyay in jawaab adag ka bixin doonaan xariga gardarada ah bay yiraahdeen ee loo gaystay Wasiir Janan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...