Thursday, June 25, 2026
25.4 C
Mogadishu

Dagaal lagu le’day oo maanta markale ka dhacay Duleedka Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyay Caawa

Dagaal Ceelasha Biyaha /Sawir Hore/Keydka

Ceelaha-biyaha (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya, deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu halkaasi ku dhex maray ciidan ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida iyo iyo Ciidamada Dowladda ee ku sugan Deegaanka Lafoole.

Dagaalkan ayaa daba socdo dagaal maalin ka hor halkaasi ku dhex maray labada dhinac, iyadoo dagaalka uu salka ku hayo gacan ku haynta Maamulka Ceelasha Biyaha.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay ku dhinteen shan qof oo labada dhinac ah, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.

Cali Xaashi oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in kooxaha isu haya halkaasi ay dadka deegaanka qaarkood ku khasbeen in ay guryahooda ka cararaan.

Cali Xaashi ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay soo kala dhex-gasho dhinacyadaasi, isla-markaana la badbaadiyo bulshada ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Si kastaba, dagaalkan ayaa ku soo aadaya, xilli xalay la sheegay in la heshiisiiyay dhinacyada ku hardamaya gacan ku haynta Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...