Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka wada dadaalo uu ku doonayo in uu kula kulmo Madaxda Ahlu Sunada Galmudug, oo diiday inay la kulmaan.
Wasiirka ayaa bilaabay in Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug uu ugu yeero in ay Hoggaanka Ahlu Sunna ka dhaadhiciyan ka jawaabidda kulanka uu ka dalbanayo.
Xildhibaanada Labada Aqal oo qaarkood ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa in magaaladaasi kula kulmaan Masuuliyiinta sar sare ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya inay Xildhibaanada ka raja qabaan, haddii ay u taggaan Madaxda Ahlu Sunna ay macquul tahay inay aqbalaan kulanka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, oo tan iyo Jimcihii ku sugan Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb.
Tani waxay ku soo aadaysaa, xilli ay fashilmeen laba isku day oo Wasiirka uu ku doonaayay in uu kula kulmo Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna. Isku dayga 1aad ayaa ahaa isagoo ugu yeeray inay wada kulmaan, balse ay ka diideen, halka isku dayga labaad uu ahaa iyadoo ergo ahaan ugu diray Odayaasha Dhaqanka ee reer Dhuusamareeb, balse ay ka biyo diideen.
Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay Madaxda Ahlu Sunada Galmudug ka codsadeen bal inay marka hore la kulmaan Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye, kana wada hadlaan wixii tabasho ee jira.
Nabadoon Cabdi Guure oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa sheegay in Wasiir Sabriye uu diyaar u yahay wado kasta, oo uu ku gaari karo la kulanka Masuuliyiinta Ahlu Sunada Galmudug.
Khilaafka Ahlu Sunna iyo dowladda ayaa soo ifbaxay 12-kii bishan, ka dib markii Ahlu Sunna ay ka hortimid magacaabista Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug, oo 8-dii bishan ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug ayaa waxaa uu ka kooban yahay saddex iyo toban xubnood oo midi ay haweeney tahay. Xaliimo Cabdi Cali oo ahayd haweeneydii keliya ee guddigaasi ku jirtay ayaa is casishay hal maalin ka dib magacaabisteeda.
Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, sidoo kalena ka tirsan Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ayaa diidmadooda ku sababeeyay inaanay magacaabista guddiga waafaqsanayn Dastuurka Qaranka iyo midka Galmudug. Waxa uu intaa ku daray in magacaabista guddiga uu hareer marsan yahay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunada.
Khilaafka Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka ayaa soo noq noqday, sababo ku aadan Ahlu Sunna oo ku andacooneysay inaanan la fulin qodobadii ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka.
Isku soo wada-duub, haddii Wasiir Sabriye uu ku guuldareysto xalinta khilaafka taagan ayaa waxaa markaasi suurtagal ah in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu u kicitamo dhankaasiyo Magaalada Dhuusamareeb.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com