Saturday, June 27, 2026
26.9 C
Mogadishu

Shirarkii sanadlaha ee Bangiga adduunka iyo dalalka caalamka oo soo gabagaboobay

Washington (Halqaran.com) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay iney soo gaba gaboobeen shirarkii sanadlaha ahaa ee uga socday magaalada Washington ee dalka Mareynkanka, kaasi oo ay la lahaayeen madax ka socotay Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF.

Wasiir Beyle ayaa sheegay iney ka qeyb galeen kulan dhexmaray ururka ay ku bahoobeen madaxda Maaliyadda Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass oo ay wehlineysay Agaasimaha Hey’adda IMF Kristalina Georgieva.

“Waxaan si weyn u bogaadiyay sida ay ugu heelan yihiin Afrika iyo Soomaaliyaba, gaar ahaan taageerada Bangiga Adduunka iyo IMF ee ku aaddan dib u habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qiray in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii saxda ahayd ee deymaha looga cafin lahaa,taas oo ay kaabayaan dadaalada muuqda ee dib u habeynta dhaqaale.

“Dadaalada dowladdeena iyo dadkeena oo lagu kabay tan bahwadaagteena caalamka waxay horseedi doontaa xoojinta hey’adaheena maaliyadda, kocbinta dhaqaalaheena iyo isbeddel waara oo dadka iyo dalku ay gaaraan,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Beyle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...