Monday, May 11, 2026
28.1 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Maxaa ka jira in uu Fashilmi rabo shirkii dib-u-heshiisiinta Beelaha Galmudug +(Ogow Sababta!)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug uu qarka u saaran yahay in uu fashilmo.

Qaar ka mid ah Ergooyinkii tagay Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib ugu laabtay meelihii ay ka yimaadeen ka dib markii ay sheegeen in aysan muuqan qabanqaabadda dadaallo lagu doonaayo in uu shirku furmo.

Beelaha dega Galmudug qaarkood oo Shir uga socdo Magaalada Hobyo ayaa dhankooda diideen ka qeyb galka Shirka ilaa lasoo Afjaro Shirka dib u heshiisiinta ah ee ka socda Magaalada Hobyo.

Sidoo kale, waxaa khilaaf ka taagan yahay Cidda maamuleysaa Ammaanka xarunta dib u heshiisiinta lagu qabanaayo oo dhawaan ay ku dagaallamay Ciidamo boolis iyo nabad suggid ah.

Wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay in Shirka uu qarka u saaran yahay in uu baaqdo markii Saddexaad, maadaama Guddiga aysan ku guuleysan soo dhameystiradda Beelaha ka qeyb galaya Shirka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...