XOG XASAASI: CCW oo ka hadlay sababta uu ku diiday Madasha Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif!

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur / Sawir hore
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur / Sawir hore

Muqdisho (Halqaran.com) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay sababtii uu xisbiga Wadajir uga mid noqon waayey Madasha Xisbiyada Qaran ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in markii hore ay soo jeediyeen in Madasha aysan yeelan hoggaan, kaliyana ay sameysato xiriiriye, balse ay hadda yeelatay hoggaamiye, taasina ay ku diideen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madasha ay kala mideysan yihiin in laga wada shaqeeyo sidii ay u dhici laheyd doorasho lagu qbato waqtiga oo u dhacda si xor iyo xalaal ah.

“Aragtida xisbiga ayaa go’aansaday in aan hadda laga mid noqon, doodaha madalada la xiriira dadka isku aragti kama ahan, hal hadaf ayaa wada leenahay in doorasho xilligeeda la qabto in laga wada shaqeeyo, maadaama madasha aheyd madal dadka aysan hal xisbi la noqoneyn, qof walba madaxtinimadiisa, damaciisa iyo howlihiisa uu leeyahay in laga wada shaqeeyo doorashada sidii ku dhici laheyd, oo garoonka ciyaarta loo wada geli lahaa ayaa hada anaga noogu muhiimsan maba aaminsaneyn in hoggaan la sameeyo, in xiriiriye la sameeyo ayaa ujeedkeena ahaa”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyey xayiraadii la’isku dayey in dhowaan lagu sameeyo Madaxweynayaashii hore ee dalka, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya inay ilaaliso, islamarkaana ay dhowrto Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Ugu dambeyn, hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bishan Muqdisho looga dhawaaqay Madal cusub oo ay ku mideysan yihiin inta badan hoggaanka Xisbiyada, waxaana guddoomiye loogu doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com