Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxay beesha caalamka ka tiri heshiiskii ay gaareen Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta?

Muqdisho (Halqaran.com) – Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay Heshiiskii magaaladda Nairobi ay kuwada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo kenya.

Qoraal ka soo baxay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah dalka Soomaaliya sida AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, OIC, Sweden, Turkey, Uganda, UNSOM iyo Maraykanka ayaa Lagu Soo Dhaweeyay Heshiiska Labadda Dal.

Xubnaha Beesha Caalamka waxa ay sheegeen in Heshiiska Labadda dhinac uu muujinayo tallaabo qiime leh oo lagu xoojinayo xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal.

“Waxaan ammaaneynaa dadaalada shaqsi ee ay geliyeen labada hogaamiye sidii loo horumarin lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in heshiiska labada wadan uu yahay mid u horseedaya horumar shacabka labada dal,uuna saameyn xoog leh ku yeelanayo horumarka guud ee Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...