XOG XASAASI: Muxuu Shariif Sheekh Axmed kaga jawaabay codsigii uga yimid M/weyne Farmaajo?!

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, isagoona ka codsaday in ay wada kulmaan.

Farmaajo ayaa madaxweynihii hore weydiistay in ay kulan gaar ahi labadoodu yeeshaan, si ay uga wada hadlaan marxaladda dalka iyo halka uu hiigsanayo sanadka 2021.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo inaanu keligii la kulmi karin, maadaama uu guddoomiye u yahay madal ay xisbiyo ku mideysan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu Madaxweynaha u sheegay haddiiba ay dhaceyso inay wada kulmaan ay kulankaasi goobjoog ka ahaan doonaan madasha xisbiyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intaasi kadib waxaa uu Shariif Sheekh Axmed u sheegay in uu dib kala soo xiriiri doono, waqti aanu cayimin.

Xisbiyada ku meel gaarka ee dalka ka jira ayaa Arbacadii Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay madal ay ku midoobeen, looguna magac-daray (Madasha Xisbiyada Qaran).

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso Leh:



Hoggaamiyeyaasha xisbiyada ku midoobay madashan ayaa Shariif Sheekh Axmed u doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Si kastaba ha ahaatee, Shariif Sheekh Axmed oo magacaabistiisa ka dib shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay siyaasadda dowladda iyo doorashooyinka. Waxaana uu adeegsaday ereyo aad mooddo inaanay Villa Soomaaliya jecleysan, waana taa midda keentay in Madaxweyne Farmaajo uu khadka teleefanka kula xiriiro Shariir Sh. Axmed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com