
Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa berri taariikhduna ku beegan tahay 28/10/2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajandaha Kulanka ayaa ah Akhrinta 2-aad ee Wax ka Badelka Sharciga iibka Qaranka iyo Akhrinta 3-aad ee Sharciga Tirakoobka (Statisticada).
Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa Caawa lagu wargeliyay in berri oo Isniin ah uu jiro kulanka Baarlamaanka, isla markaana ay soo xaadiraan .
Kulankaan ayaa noqon doonaa kulankii 5-aad ee Kalfadhiga 6-aad Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo fasax ku jiray bilihii la soo dhaafay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





