Wednesday, June 3, 2026
27.9 C
Mogadishu

XOG: Maxay KENYA ka tiri kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ee New York?

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay kulankii magaalada New York ku dhex maray madaxweynayaasha dalalka Somaliya iyo Kenya oo uu dhexdhexaadiyey Madaxweynaha Masar Abdifatah Alsisi.

Qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ayey wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ku sheegtay in Kenya ay soo dhaweyneyso kulanka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, kaasoo ahaa kulan saddex geesood ah oo uu isugu keenay guddoomiyaha Midowga Afrika iyo madaxweynaha Masar Abdifatah Alsisi.

“Kenya waxay soo dhaweyneysaa kulankii ugu horeeyay oo ah tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaday. Kenya waxay mar waliba rumeysan tahay, siina wadi doontaa inay ku baaqo wadahadalka inuu yahy sida ugu haboon ee dhibaatooyinka Afrika xal loogu heli karo xal afrikaan ah..” ayay qoraalkeeda ku tiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma.

Dhinaca kale, Warbaahinta dalkani Kenya ayaa qortay in madaxweynaha Abdifatah Alsisi Masar uu soo jeediyey in arrinta xuduudka labadan dal ee Badda lagu dhameeyo wadahadal ka baxsan Maxkamadda ICJ.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...