Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

XOG: Maxay aheyd Sababtii uu maanta u baaqday kulankii Aqalka sare ee BF Somaliya?

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Axadda maanta ah baaqday, shirkii golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii ay ku kala qeybsameen guddoonka iyo Senatorrada Golaha.

Ajandaha kulanka oo ahaa wax ka beddel lagu sameeyo xeer hoosaadka golaha Aqalka sare si shirarka Aqalka loogu qabto Zoom-ka.

Baaqashada kulanka kadib ayaa Xubno ka tirsan Aqalka sare oo Warbaahinta la hadlay waxaa ay sheegeen inay ka soo horjeesteen in aalada Zoom-ka lagu shiriyo Sanetarada Golaha, taas oo ay ku tilmaameen in ay tahay sharci darro.

Senatorrada Golaha Aqalka ayaa ku baaqeen in si deg-deg ah loo furo fadhiyada golaha Aqalka sare, maadama maanta uu baaqday kulanka.

Ugu dambeyn, waxay sidoo kale ku baaqeen in si wadajir ah kulamada labada gole loo qabto, xiliyada laga doodayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...