Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ahlu Sunnada Galmudug ayaa waxaa markii ugu horeysay laga wareejiyay dhaqaalihii kaga soo xaroon jiray Garoomada Diyaaradaha ee Dhuusamareeb iyo Guriceel, muddo toban sano ku dhow.
Kadib dagaalladii adkaa ee Ahlu Sunna magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb kaga xorreysay maleeshiyada Al-Shabaab ayay si rasmiya u hawlgelisay Garoomada Diyaaradaha ee labadaasi magaalo, oo ay ku canshuuri jirtay diyaaradaha, rakaabka iyo ganacsigaba.
Sidoo kale waxaa Ahlu Sunna laga wareejiyay canshuurihii ay ku qaadi jirtay labada kastam, ee ku kala yaala Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta Halqaran.com u sheegay in Dowladda Federaalka, ay Khamiistii soo saartay awaamiir lacagahaasi looga wareejinayo khasnadda Ahlu Sunna, hadda kadibna ay tahay inay ku dhacdo khasnadda dowladda.
Tan iyo markii Ciidamada Dowladda ay bishii November la wareegeen gacan ku haynta Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayay lacagaha goobahaasi ka soo xarooda ku dhici jirtay khasnadda Ahlu Sunna, inkastoo labada kastam ay jooggeen ciidan u daacad ah Ahlu Sunna, xalay-na ay kala wareegeen Ciidamada Dowladda.
Tani ayaa waxaa durbaba lagu macneeyay mid ay Villa Soomaaliya ku ciqaabeyso Ahlu Sunna, oo ay ku eedeynayso inay qaadacday doorashadii ay garwadeenka ka ahayd, ee 2dii bishan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, laguna soo doortay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayna ka horeysay doorashadii daba-yaaqadii bishii January ka dhacday Dhuusamareeb, ee ay Ahlu Sunna Madaxweynaha Galmudug ugu soo dooratay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Kadib doorashadii lagu kala qaybsamay ee 2dii bishan February lagu soo doortay Qoorqoor ayay Ahlu Sunna tan iyo xilligaa ka goys adeegeysay inay aqoonsato Madaxtinimada Qoorqoor iyo iyadooba diiday inay ninkaasi la furto wadahadal, lana gasho awood qaybsi siyaasadeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






