Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Xildhibaannada Labada Aqal ee BF Somaliya oo Xaflad heer-sare ah loogu sameeyay Madaxtooyada

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho loogu sameeyay xaflad lagu soo xirayo Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada oo muddo 40 cisho shaqada ka nasaya ayuu fasaxooda u bilowday maalintii Arbacada, waxaana lagu wadaa in Kalfadhiga 7aad uu furmo bilowga bisha April.

Xafladan ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Dowladda Federaalka, Guddoonka Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Labada Aqal, Duqa Magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kaloo lagu soo casuumay inay ka soo qaybgalaan.

Intii ay xafladda socotay ayuu Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo ay horey u soo meelmariyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka Qaranka oo Talaadadii la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday inuu si deg deg ah u saxiixo Sharciga Doorashooyinka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafladda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo tallaabada uu sharcigaasi ku saxiixay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...