Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

XOG: Maxaa hortaagan in Safiirka Shiinaha ee Somaliya uu la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi?

Hargeysa (Halqaran.com) – Iyadoo maalintii Saddexaad uu weli ku sugan magaalada Hargeysa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Qin Jian , ayaa waxaa la soo sheegayaa in weli uusan la kulmin, Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta dhalisay in weli aysan is arkin Madaxweyne Biixi iyo Danjire Qin Jian, balse waxaa qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland, maadaama uu Safar ku maqan yahay wasiir Yaasiin Faratoon.

Warar ay haleyso Warbaahinta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in Ujeedka Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian uu u tagay magaalada Hargeysay uu yahay, sidii uu xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaa xiriirka ay dhowaan la sameysay Jaziiradda Taiwan, iyadoo arintaasi uu si kulul u cambaareeyay Safiir Qin Jian.

Lama oga, lama shaacin ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay arrintaasi, iyo inuu qabsoomi waayo kulanka Muuse Biixi iyo Qin Jian oo hoggaaminaya diblumaasiyiin ka tirsan safaaraddiisa.

Warar hoose oo ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in loo badinayo in Madaxweyne Muuse Biixi uu ka biyo diiday arrintaasi, waana sababta keentay inuu qaabili waayo safriirka oo horey uga horyimid heshiis ay kala saxiixdeen wasaaradaha arrimaha dibadda Somaliland iyo Taiwan.

Dowladda Shiinaha ayaa dooneyso inay Somaliland weydiisato inay ka baxdo xiriirka cusub ay la sameysay Taiwan, iyaga oo is-dhaafsaday wakiillo, waxaana si weyn uga horyimid dowladda Shiinaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...