Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa waxaa uu ka biyo diidan yahay in uu hortaggo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay mooshin lagula xisaabtamayo ka soo gudbiyeen hay’adaha amniga ee dalka, si wax looga weydiiyo arrimaha ammaanka iyo falal liddi ku ah amniga oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Taliyaha Laanta Socdaalka & Jinsiyadaha, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa waxaa lagu wargeliyay in looga baahan yahay inay hor yimaadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Marka laga soo taggo Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida, masuuliyiinta kale waxay berri diyaar u yihiin in ay hortaggaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, si ay uga jawaabaan su’aalaha ay weydiin doonaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Ilo wareedyo muhiim ayaa inoo xaqiijiyay in Taliyaha Nabad Suggida aanu marnaba diyaar u ahayn in uu hortaggo Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoona uu ka biyo diidan yahay in wax laga weydiiyo amniga dalka.
Ilo wareedyadan ayaa inoo sheegay in nin riyooday uu yahay ninka ku fekeraya in Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu berrito soo hor fariisan doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, si wax looga weydiiyo fal dembiyeed hadalhayn badan dhaliyay.
Xildhibaanada ayaa waxay ka careysan yihiin dilkii 20-kii bishan Almaas Elman Cali loogu gaystay Xerada Ciidamada Amisom ee Xalane, oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Fahad Yaasiin ayaa garab iyo gaashaanba ka haysta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre. Dadka badankii way ogyihiin in Fahad Yaasiin uu yahay ninkii garabka ku siiyay Farmaajo inuu noqdo Madaxweynaha Qaranka.
Villa Somaliya ayaa waxay iminka u muuqataa inay la safan tahay Fahad Yaasiin, ayna muhiim u tahay inay meelmariso rabitaankiisa, iyadoo taasi bedelkeedana bilowday qorshe ay ku siyaasadeynayso u yeeristiisii Golaha Shacabka.
Sharci-yaqaanada ayaa sheegaya inaanay jirin sabab uu Fahad Yaasiin uga baaqsan karo kulanka su’aalaha lagu weydiinayo ee Golaha Shacabka, haddii uu dalka ku sugan yahay, isla-markaana aanay jirin wax cudurdaar ah oo uu ka soo gudbiyay in dib loogu dhigo su’aalo weydiinta.
Xafiisyada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa xalay ka dagaalamaayay inaanan kulanka Golaha Shacabka su’aalo adag lagu weydiin Wasiirka Amniga Gudaha, ha yeeshee ay Madaxda Dowladda hurdada ka soo baraarugeen, ka dib markii ay garowsadeen inay arrintu ka weyn tahay Wasiirka Amniga, loona socdo Fahad Yaasiin.
Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa wuxuu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu siyaasadeynayo shaqada Ciidamada Dowladda.
Isku soo wada duub, mudada saddexda sano ee ay jirto Dowladda Federaalka ayuu Fahad Yaasiin ku dhex-milnaa siyaasadda dalka, mudadaasina haljeer xitaa lama aanu hadlin Warbaahinta, waana nin aan lagu arkin goobaha fagaarayaasha.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com