Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Guddomiyaha Gobolka Banaadir oo Kormeer Ku Tagay Dagmooyin ka Roobab ka ay Saameeyeen

Muqdisho (Halqaran.com)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed cumar Finish asaga oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenadiisa ayaa xalay waxa ay kormeer ku tageen 17-degmo ee Gobolka Banaadir, iyagoo waday gurmadka loo sameynaayo dadka dantayar ee saameeyay roobabkii ka da’ay Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn booqday dhismihii hore ee wasaarada arimaha gudaha ee degmada Boondheere oo ay kunoolaayeen dad barakacayaal ah, oo uu kusoo dumay dhismaha ay daganaayeen iyadoo laga soo saaray laba ruux oo dhismahaasi ku hoos jiray.

Sido kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenadiisa ayaa mid mid u booqday guryaha ay kunool yihiin qoysaska danta yar ee uu biyaha roobka gudaha u galeen waxey sidoo kale masuuliyiinta kormeer lug ah kumareen wadooyinka ay biyaha dhigeen roobabkii da’ay.




Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...