Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

XOG: Muxuu ka yiri Wasiir Cawad qaraxii Boosaaso ee lagu eedeeyay Qadar & Su’aallo laga waydiiyay…

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo weydiiyay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Axmed Ciise Cawad.

Guddigan oo guddoomiye u yahay xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cosoble ayaa wasiirka wax ka weydiiyay howlaha wasaaradda gaar ahaan warbixin dhawaan uu qoray wargeyska New York Times, kaasoo dowladda Qadar ku eedeeyay in ay ku lug leedahay qaraxyada ka dhaca Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa gaashaanka u daruuray warka uu baahiyay wargeyska oo sheegay in Qadar ay masuul ka ahayd qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa sheegay in kulamo ay wada yeesheen diblomaasiyiin labada dal kala socota kaddib dowladda Qadar ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha dhacdadii Boosaaso iyo kuwa kale ee la midka ahba.

Guddiga ayaa wasiirka ka dalbaday in xukuumaddu baaritaan buuxa ku sameeyso arrintan kaddibna natiijada lala soo wadaago golaha shacabka si ay go’aan uga gaaraan.

Dhawaan ayay ahayd markii wargeyska New York Times oo soo xiganaya codad lasoo dusiyay oo dhex maray danjiraha Qadar ee Soomaaliya iyo nin ganacsade ah oo u dhashay dalkaas Qadar oo sheegaya in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkii Boosaaso.

Markii ay wararkan soo baxeen dowladda Qadar ayaa dhankeeda soo saartay qoraal ay ku sheegtay in Qadar had iyo jeer ay u taagantahay taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, cid walba oo arrinkaa ka hor imaatana aanay matalin Qadar.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...