Saturday, May 16, 2026
29.9 C
Mogadishu

AKHRI: Ma ogtahay in DF Soomaaliya aqoonsi iyo diiwaan-gelin u sameynayso Shacabka?!

Muqdisho (Halqarna.com) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay siyaasadda aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha.

Ujeedooyinka sharcigan ayaa lagu sheegayo in ay ka mid yihiin in la dhiso cilaaqaad iyo kalsooni dhex marta dawladda iyo shacabka, si loo helo nidaam aqoonsi casri ah, loo dhan yahay, tayeysan, dheeli-tiran oo caddeyn kara jiritaanka shaqsi kasta oo deggan dalkan;

Sidoo kale In la sameeyo “aqoonsi asaasi” ah oo mideysan, “digital”-na ah, kaasoo u suurta gelinaya qof kasta in uu si sharci ah ku caddeeyo jiritaankiisa, si toos ahna u helo xuquuqdiisa ee dhinaca dawliga iyo kuwa gaarka ah.

Sidoo kale, waxaa ujeedooyinka sharcigan qeexayo ka mid ah in la dhiso xog-dhig federaal ah ee waara, laguna kalsoon yahay, oo ku saleysan mabaadi’da “qaabka furan” (open system) oo aan u janjeerin shirkad ama cid gaar ah, kaaso fududeeynaya isku-xirka nidaamyada kale ee jira, iyadoo aan marna ka weecaneyn sharciga, kor-joogteynta iyo taabagelinta hay’adeed.

Si kastaba, ujeedooyinka kor ku xusan si loo xaqiijiyo, xukuumadda Federalka Soomaaliya wax ay ku tallaabsaneysaa dhaqangelinta sharcigan oo lagu saleynayo dhismaha iyo hirgelinta nidaam aqoonsi tayeysan, loo dhan yahay, iyo aqoonsi “digital”-ah oo laga baaraandegay, isla markaana suurta gelinaaya arrimaha soo socda oon aan afjarneyn.

HADDA Lifaaqa hoose ka Akhriso Sharcigan cusub oo dhammeystiran:

Riix Halkan > Siyaasadda Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...