Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Xog cusub oo ku saabsan sababta ka dambeysay burburka diyaaradii ku dhacday Beledweyne

Beledweyne (Halqaran.com) –  Waxaa faah-faahino dheeraad ah ka soo baxaya sababtii ka dambeysay diyaaradii shalay ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegaysa in Kabtankii diyaarada uu sheegay sababta ka dambeysay bur burka diyaarada inay aheyd dameer soo galay dhabaha diyaarada ay ku dagto.

Waxa uu sheegay Kabtan Xuseen Maxamed in diyaaradaasi oo ay leedahay Shirkadda Bluebird Aviation ee dalka Kenya ay siday shixnad gargaar ah iyo sahay ay u waday Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan Amisom kuna sugan Beledweyne, isla markaana ay dhacdadaasi qabsatay.

Inkastoo aysan ka dhalan khasaaro nafeed diyaarada burburtay ayaa waxaa ka dhashay mid hantiyadeed maadaama diyaarada ay gubatay, waxaana kabtanka uu cadeeyay in sabab uu u ahaa dameerka oo galay dhabaha ay diyaarada ku dageysay.

“Diyaaradeena waxaa ay cunto iyo agab kale u waday Ciidamada Jabuuti ee Amisom, waxaana diyaarada ay aroortii hore ka timid dalka Jabuuti laakin nasiib wanaag dhamaan Shaqaalaha Diyaaradda waa ay nabad qabaan ayuu yiri ” Kabtan Xuseen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...