Monday, June 15, 2026
25.3 C
Mogadishu

XOG: Maxaa ka jira in madaxweynaha Puntland uu safar deg-deg ah ugu socdo Muqdisho? (Ogow Ujeedkiisa)!

Waa shirkii Garoowe ee caleema saarkii madaxweynaha Puntland Saciid Deni /Sawir hore/Keydka HQ

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdillaahi Dani ayaa lagu wadaa inuu markii u horeysey u safro magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay madadweynaha Puntland.

Warar hoose oo ay haleyso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in Saciid Deni uu ka tanaasulay Mucaaridnimadii uu ku hayey Dawladda dhexe.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu Xiriir la sameeyay DF Soomaaliya, islamarkaana inuu garawsaday hagardaamada Soomaaliya ka soo gaaray dalalkii shisheeye ee uu la shaqaynayey.

Saciid Deni ayaa waxa uu codsaday inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,  uuna safar deg deg ah ugu soo baxo magaalada Muqdisho, taasoo laga aqbalay.

Socdaalka Madadweynaha dowlad goboleedka Puntland oo la filayo inuu todobaadkan noqdo ayaa ku soo beegmay, maalmo uun kadib kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ah.

Si kastaba, Saciid Deni oo Shacabkii Puntland ku kacay, dhaqaalihii oo hoos u dhacay iyo midnimadii Maamulkaas oo meesha ka baxday ayaa ku qasbay inuu Tanaasul la yimaado. waxaana sidoo kale jira culaysyo kasoo wajahaya Puntland dhinaca gobollada Bari iyo Sanaag.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...