XOG CUSUB: Faah-faahin cusub oo ku saabsan dilkii Almaas Elman ee maanta lagu geystay Muqdisho

Marxuumad Almaas Elman Cali

Muqdisho (Halqaran.coom) –  Faah-faahin cusub ayaa ka soo baxaysa dilkii Almaas Elman Cali galabta maanta loogu gaystay Xarunta Taliska Ciidanka Nabad Suggida Midowga Afrika ee Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Almaas Elman oo la socotay baabuur ayay xabad ku dhacday, xilli ay mareysay inta u dhaxeyso Xerada Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxayna u geeriyootay dhaawac daran oo xabadaasi ka soo gaartay.

Marxuumadan ayaa waxay xilligan ka tirsaneyd Xafiiska Xiriirka iyo Isgaarsiinta ee Midowga Yurub, iyadoo ay su’aalo ku gadaaman yihiin cidda ka masuulka ah dilkeeda.

Warar ay helayso warbaahinta Halqaran.com ayaa waxay sheegayan in dilkeeda lala wadaagay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo ay Madaxtooyada amar ku bixisay in si dhab ah dilkeeda loo baaro.

Laamaha amniga Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada shisheeyaha kala duwan ee fadhigoodu yahay Xerada Xalane ayaa waxay wadaan baaritaan ballaaran, oo ku aadan ciddii toogashadaasi fulisay.

Almaas Elman ayaa waxay ahayd qof u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha, sidoo kalena waxay ahayd diblomaasiyad ka soo shaqaysay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, waxayna horey u soo noqotay Xoghayaha Safaaradda.

Almaas ayaa waxaa dhalay Elman Cali Axmed oo sanadkii 1996-kii lagu dilay Magaalada Muqdisho, waxaa uu ahaa nin nabadda u ololeeya, sidoo kalena waxaa uu ka shaqayn jaray arrimaha samafalka.

Elman Cali oo dalka caan ka ahaa ayaa waxay dadka ku xusuustaan doorkiisii ku aadanaa u dhaqdhaqaaqidda arrimaha xuquuqda aadanaha, xilli Magaalada Muqdisho ay la foolaneysay dagaaladii sokeeye.

Sidoo kale, Almaas Elman ayaa waxay la dhalatay Ilwaad Elman iyo Imaan Elman. Ilwaad waxay ka hawlgashaa Hay’adda Elman oo ka shaqaysa arrimaha xuquuqul insaanka, iyadoo u sharaxan abaalmarinta caalamiga ee Nobel Peace Prize, halka Imaan ay tahay korneyl Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan.

Qoyska Elman Cali ayaa waxay ka soo guureen dalka Canada, iyagoona dalka ugu soo laabtay, sidii ay u buuxin lahaayeen booskii uu aabahood baneeyay.

Waxaa wax laga iska weydiinayan cidda dishay Almaas, iyadoo dadku isla dhex marayan arrimo siyaasadeed miyaa loo dilay mise Ururka Al Shabaab ayaa galaangal ku dhex leh Taliska Xalane, oo ah midka ugu weyn ee Amisom looga arrimiyo.

Ugu dambeyn, haddii aanay laamaha amniga si rasmi ah u cadayn cidda dishay Almaas Elman ayaa waxay markaasi weji gabax ku noqon doontaa Dowladda Federaalka, Reer Galbeedka iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika, waxayna bannaanka keeni doontaa tuhunkii ahaa inaanay Shabaab oo qura wax dilin:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com