Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Ciidamada DF Somaliya oo toogtay rag ka mid ah raggii weeraray Hotelka SYL & weli rasaas la maqlayo

 

Muqdisho (Halqaran.coom) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay toogasho ku dileen laba ka mid ah raggii soo weeraray Hoteelka SYL ee Magaalada Muqdisho, waxayna weli dagaal kula jiraan kuwii kale ee la socday.

Illaa shan nin oo ku labisnaa dareyska Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ka masuul ah weerarka abaabulan, ee ay caawa maleeshiyaadka Al-Shabaab  ku galeen Hoteelka SYL oo kaabiga ku haya Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda oo qaarkood wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu arkayaa waddooyinka soo gala hotelka, iyadoona ay indhahaagu qabanayan in ay la dagaalamayan kuwii weerarka soo qaaday.

Wararka ay haleyso warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay soo badbaadiyeen Xildhibaano, Guddoomiye-yaal Degmo, Saraakiil ciidan iyo weliba dadweyne kale oo ku sugnaa hotelka, xilligii uu weerarku dhacaayay.

Ka hor inta aanu weerarka bilaaban ayaa waxay shirar ka socdeen labada hool ee Hotel SYL, sidoo kalena waxaa jiray dadweyne kale oo ku fiidsanaayay barxadda hotelka, kuwaa oo sugaayay Salaadda Cishaha.

Dadkan ayaa waxaa intooda badan laga soo saaray albaabka ku yaala dhabarka dambe ee hoteelka, waxaana jira dad kale oo weli ku go’doonsan gudaha hotelka, oo rasaas xoogan ay ka dhaceyso.

Waxaa soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Ciidamada Dowladda ay halkaasi ka soo badbaadiyeen laba Xildhibaan, ka dib markii ay ku dhaawacmeen weerarka ay Al-Shabaab ku galeen hotelkaasi.

Waxaa kaloo jira Xildhibaano iyagoo badqaba laga soo samata bixiyay.

Sidoo kale waxaa goobtaasi laga soo badbaadiyay isagoo caafimaad qaba Taliyaha Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gashaanle Cabdiraxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar).

Weerarrada ay Al-Shabaab ku qaadaan Hoteellada Magaalada Muqdisho oo qaraxyo ay ku bilaaban jireen ayaa waxaa uu weerarka iminka socdo ku bilowday dagaal toos ah, oo ay Shabaabku ku jiireen ilaaladii hoteelkaasi.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa u muuqdo kuwo wax ka bedelay weeraradii ay ku qaadayeen Hoteellada Magaalada Muqdisho, waxayna caawa kuwii weerarka qaaday ay Hotel SYL ka soo galeen dhinaca wadada ka timaada Isgoyska Ceelgaabta.

Lamana sheegin wax gaari ah oo ay la socdeen, marka laga soo taggo sida la fahamsan yahay in ay ku labisnaayen tuutaha Ciidamada Dowladda.

Ugu dambeyn, weerarka oo weli socdo awgii ayaa waxaa adag in xog dhab ah laga helo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay weerarkan, inkastoo la ogyahay in tiro dad ahi ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...