Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ku yeelan doona mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa, kaasi oo Maanta xasaasi ah.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ka doodista Doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadkaan 2020/2021, isla markaana Guddiga Doorashada uu hordhigay Baarlamaanka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray farriimo ku aadan inuu jiro kulan weyn, loogana baahan inay kasoo qeyb galaan si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan sidii uu u furmi lahaa kulankaas, waxaana Xarunta kusii qulqulaya Xildhibaannada, si ay kula qeyb galaan Dooda Doorashada 2020/2021 ka dhaceysa Soomaaliya.
Maalmihii la soo dhaafay, xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa yeelanayay kulamo kala duwan, iyagoona tan iyo markii uu furmay Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka ay Xildhibaanada ku ansixiyeen sharciyo kala duwan oo la horgeeyay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





