Thursday, November 13, 2025
28.7 C
Mogadishu

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedyo

Muqdisho (HalQaran.com) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 3-aad oo uu wahlinayo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow waxaana soo xaadiray 147 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa:

  1. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.

2 .Akhrinya 1aad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.

Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa mudanayaasha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka, isigoo u sheegay in hindise Sharciyeedkaan uu Dalka muhiim u yahay, loona baahanyahay Xildhibaannada in ay Ahmiyad gaar ah siyaaan.

Intaasi kadib Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka. Iyagoo Su’aallo ka weeydiiyay Wasiirka qodobo ka mid ah Hindise Sharciyeedka uu hor keenay, waxaana Xildhibaannada ay su’aalahooda iyo doododa u badneeyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo soo xirtay kulanka maanta ayaa fartay ku-simaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Ahna xoghaye ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciyow in uu kuwareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS si ay talooyinka Xildhibaannada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale Xildhibaannada Akhrinta labaad dood ugu yeeshan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...