Tuesday, April 28, 2026
28.6 C
Mogadishu

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS oo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay R/wasaare ROOBLE +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

215 Xildhibaan ayaa fadhiday kulanka Golaha Shacabka ma jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay cod u qaadista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Mudane Rooble.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu ansax yahay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka ee maanta la meel mariyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa intaasi kaddib waxa uu dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa jeediyay kalimad uu ugu mahadcelinayo Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya codka aqlabiyad leh ee ku ansixiyeen, isagoona ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...