Monday, May 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka dooday Sharci muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanadda golaha shacaka oo kulan ay ku yeesheen xarunta ku meelgaarka ah ee Villa Hargeysa ayaa akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharicyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaalanka Burcad badeeda iyo ka hortaga afduubka sharci LR.36 ee soo baxay soddonkii bishii April sanadkii 1975-kii.

Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 144 Xildhibaan.

Waxaana muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay golaha shacabka u faah faahiyay sii hayaha wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji.

“Sharicgaan waxa uu muuhiim u yahay dalka waana loo baahanyahay in dib-u-eegis lagu sameeyo si aan xal ugu helno baddeyna maadaama ay jiraan maraakiib si sharci daro usoo galo dalka iyo sidii aan xal ugu heli laheyn arrimaha burcad baddeeda”.

Dhinaca kale, Xildhibaannada golaha ahacabka ayaa akhrinta 2-aad marsiiyeen ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka, waxaana xildhibaanadda golaha warbixinta guddiga u akhriyay xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda, miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee golaha shacabka.

Qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha shacabka ayaa fikradahooda ka dhiibtay warbixinta guddiga ee ku aadan ku noqoshada miisaaniyadda sanadka 2020-ka, waxaana kulanka joogay wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale waaxda Miisaaniyadda ee wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ka jawaabayay su’aalaha xilidhibaanada waxaana uu ka codsaday inay meel mariyaan.

“Maanta waxa aan baarlamaanka markale ka hor akhrinay ku noqoshada Miisaaniyadda 2020, inagoo sidoo kale ka jawaabnay su’aalaha Baarlamaanka ee ku aadan arrimaha Miisaaniyadda.

“Waxa aan ka rajeynayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed in ay meel mariyaan dib-u-eegidda Miisaaniyadda oo muhiim u ah sii wadidda howlaha Dowladda‘‘, ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducale Bayle.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo xiray kulankii maanta ay yeesheen xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...