Muqdisho(Halqaran.com)- Xafladda caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa kusoo gaba-gabowdayTeendhada Afisyooni ee Maagalada Muqdisho, waxaana kasoo qeybgala madax ka socota caalamka iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka ku soo dhaweeyay Madaxda iyo wufuudda caalamiga ah ee ka qeyb galey munaasabadda caleemosaarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugana mahadceliyay ka soo qaybgalkooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa lagula xisaabtami doono waxqabad, islam markaana uu ka shaqeyn doono baahinta nidaamka federaalka, dastuurka, wadahadallada Somaliland, iyo amniga dalka, wuxuuna sharraxaad dheer ka bixiyay hal-ku-dhiggiisa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
Wuxuu sheegay inay Soomaaliya saaxiib iyo iskaashi la yeelan doonto dal kasta oo aan madax-bannaanida Soomaaliya ku xadgudbin, isla markaana u ka shaqeyn doono xiriir ganacsi oo Soomaaliya dunida la yeelato.
Xasan Sheekh ayaa Sido kale ka hadlay waxyeellada abaarta, isagoo sheegay in kumannaan Soomaali ah ay wajihi karaan macluul,wuxuuna codsaday wax ka qabashada abaartan ay ka qeyqaataan qof waliba waxa uu awoodo.
Dhanka kale madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka soo qeyb galay xafladda caleemasaarka madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu ku faraxsanyahay dowladda cusub uuna dhanwalba si walaalnimo ah uga taageeri doono.
Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay inuu la yimid kalgacal iyo walaaltinnimo,Waxa uu ka dhawaajiyay in Jabuuti ay garab taagan tahay Soomaaliya, diyaarna u yihiin inay la shaqeeyaan Dowlada Cusub .
Sido kale Waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub, isla markaana u ballanqaaday taageerada dawladda Itoobiya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo caleema-saarka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu kala shaqayn doono madaxweynaha cusub hagaajinta xiriirka labada waddan, sida ganacsiga.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna ka hadlay xafladda caleema-saarka. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkan loo doortay 15-ka bishii May ee lasoo dhaafay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS ayaa isna tilmaamay in dowladdiisu ay wax badan ka qabandoonto arrimaha ka taagan dalka, kana shaqeyndoono wanaajinta cidkasta oo jecel madaxbanaanida wadankeena.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





