Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Xaflad lagu soo dhaweynayay Xayiraadii laga qaaday Shirkadii Barakaat oo lagu qabtay Muqdisho + (SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo loogu dabbaal-degeyay xayiraaddii waaxda maaliyadda dalka Mareykanka ay ka qaadday shirkadda Al-Barakaat.

Munaasabaddan oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin dowladeed, ganacsato, ururrada haweenka iyo dhallinyarada iyo guud ahaan qeybaha bulshada ayay ku soo dhaweeyeen in markale shirkaddii Barakaat ay dib uga shaqeyso dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in uu goobjoog u ahaa dhammaan dhacdooyinkii dhacay xiligii shirkadda xayiraad la saaray, islamarkaan uu xiligaan aad ugu faraxsanyahay in ay dib u helaan xoriyadoodii ganacsi.

Sidoo kale, Sheekh Cali Wajiis, oo Ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa maamulka shirkadda ugu hambalyeeyay in dib ay u helaan xoriyaddii ay ku shaqeyn jireen, sidoo kalena waxa uu ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan koboca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka.

Guddoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed Batuulo sheekh Axmed Gaballe iyo Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo matalayay ururrada haweenka ayaa iyaguna si wadajir ah u bogaadiyay in shirkaddu mar kale ay dalka ka howlgasho una adeegto shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Shirkadda Barakaat Sheekh Axmed Cali Jimcaale ayaa Ka sheekeeyay garab istaagii ay u sameeyeen dadka Soomaaliyeed kadib go’aankii ay dowladda maraykanku xayiraada uga qaadday shirkaddaha Barkaat iyo wixii ka dhashay.

Barakaat oo ahayd shirkad ganacsi oo si gaar ah loo leeyahay soona shaqa bilowday sideetamaadkii qarnigii tagay ayaa ka mid ahayd ilihii dhaqaale iyo shaqa abuur ee uu dalku lahaa oo ay saameeyeen weerarradii lagu qaaday dalka Mareykanka 11/9.

Barakaat ayaa ahayd xawaaladda ugu weyn ee ay lacagaha dadka Soomaaliyeed isugu diraan iyada oo maamulka shirkaddu sheegeen in xilligii ay shaqeynaysay sanad walba la marsiin jiray shirkadda lacag dhan 140 milyan oo dollar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...