Saturday, April 11, 2026
28.5 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay iyo Suuqii gacansiga ee Gaalkacyo oo weli xiran maalintii Afaraad!

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Waxaa weli maalintii Afaraad xiran Suuqa Ganacsiga ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta Waqooyi.

Suuqaani ayaa xiran maalintii afaraad, kadib markii ganacsatada ay sheegeen in Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ku soo rogtay canshuur dheeri ah.

Ganacsatada Gaalkacyo, ayaa ka cabanaya canshuurta iibka, taasi oo ay sheegeen in wasaaradda Maaliyadda kaga qaadi jirtay kastamyada oo keliya, haddana ay bilowday in ay mid labaad ka qaaddo xarumahooda ganacsiga ee ku yaalla magaalada.

Maalintii Khamiista ayey bilaabeen ganacsatada inay xiraan Suuqa, islamarkaana ay joojiyaan dhaqdhaqaaqa ganacsiga Magaaladaasi.

Illaa hadda ma jirto xal buuxa oo ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay isla garteen si dib loogu furo dhaq dhaqaaqa ganacsiga Suuqaasi.

Dadka Magaalada Gaalkacyo ayaa aad u saameyay xirnaanshaha Suuqa Ganacsiga ee Magaalada Gaalkacyo, maadaama dadka ay ku tiirsanaayeen ganacsiga Suuqaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...