Hiiraan (Halqaran.com) – Kadib hawlgal ballaaran oo ay ciidanka dowladda ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ugu suuragashay ciidamada inay soo furtaan xoolo ay Al-Shabaab uruursadeen.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay xoolahan nool Al-Shabaab inay ka uruursadeen dadka deegaanka.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamadu ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa waddooyinka u dhaxeeya deegaanka Moqokori iyo degmada Maxaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan.
Sidoo kale, saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka soo qaadeen illaa 400 (Afar boqol) neef oo ari ah oo ay sheegeen inay horay uga qaadeen dadka shacabka, kaddib markii ciidamadu ay weerareen goob ay ku uruurinayeen, iyadoo dadki lahaa ay ciidamadu dib ugu celiyeen xoolahooda.
Ururka Al-Shabaab ayaa dadka waxa ay ka uruuriyaan xoolo nool oo ay ku sheegaan inay tahay Zakawaad, taasi oo ay ka qaadaan dhamaan deegaannada Al-Shabaab ay maamulaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





