Muqdisho(Halqaran.com) –Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan Ciidamada ka amar qaata Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaah Deni & Kuwa gaarka u tababaran ee PSF ee kahor yihid xil ka qaadista agaasimahooda lagu sameeyay.
Magaalada Boosaaso waxa ay ka koobantahay afar xaafadood oo waaweyn, balse mid oo keliya ayuu culeeska u badanyahay, taasina waa xaafadda Ridhwaan ee ku taala dhanka Bari ee magaalada.
Xaafaddan waxaa ku yaala Goobaha ugu muhiimsan magaalada, kuwaas oo hadda sida muuqata isku badeley dhufeysyo ay xilli kasta suurtogal tahay in ay noqdaan furumo ay ciidamo ku hardamaan.
Wararka Halqaran News ay heleyso ayaa sheegaya, in Magaalada Boosaaso ay ka socdaan dedaallo kala duwan oo lagu baajinayo in dagaal uu dhexmaro Ciidamada gaarka u tababaran ee Puntland PSF & PMPF oo dhaqdhaqaaqyada ugu badan sameynaya.
Wasiirka Amniga DG Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in xilka uu yahay meerto isla markaana aanay jirin cid looga harayo haddii xil ka qaadis lagu sameeyo, waxa uu Agaasime Maxamuud Cismaan ka dalbaday in uu xilka wareejiyo.
Todobaad ayaa ka soo wareegtay markii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ka qaaday Agaasimaha hay’adda PSF, isla markaana u magacaabay Agaasime cusub, taasoo ay ka soo horjeesteen taliska PSF.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





